Furitaankaa waxaa hadal ka jeediyay masuuliyiin ka mida ah gudida waday dhisida jidkaa......
Guddida dhimaha jidka dawga cad ee waqooyiga ee isku xidha Somaliland iyo dalka Jabuuti ayaa furtay waji ka mid wadadaasi taasi oo muddo 2 sanno iyo badh ku dhaw socotay . Eng Cabdi Warsame Siciid oo ka mid ah Engineerada dhisaya waddan dawga cad oo warbixin ka bixiey shaqada ka socota jidka iyo halka ay marayso ayaa yidhi oo “ jidkan ah 3 K boqol iyo 2 oo KM hawshan intii aanu wadnay waxay ahayd hawl aad u badan ILAAHAY ayaa mahad iska leh noo suuro galiyey in aanu wadadaasi dhamanay iyo shaqaalihii hawshan nagala qaybqaatay markay dhamaystirmo waxaa si rasmi ah xadhiga looga jari doono iyada oo aanu imakana biyo mareenka samaynayo inta uu socdona biyo mareenkana waxaanu u gudbinaynaa ka dib si wada loo dhamaystiro” ayuu yidhi Eng Cabdi Warsame Siciid.
Eng Cali Cabdi oo isna ka mid ah guddida farsamada ee jidkan Dawga cad ayaa isna faah-faahiyey halka ay marayso shaqada waddani oo uu xusay in ay shaqadani ay socotay muddo iyada oo ka dibna ay hadda halkan soo gaadhay in maanta qaybtan xadhiga laga jaro.
Ganacsade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ah Gudoomiayah Guddida dhismaha jidka dawga cad ayaa isna sheegay in ololihii ugu horeeyey ee la doonayey in jidkan lagu sameeyo ay bilaabeen laba sanno iyo sideed bilood ka hor waxaanu yidhi " maalintii aanu hawshaasi bilownay wax lacag ah maanan haynin laakiin waxaanu Ilaahay ka barinay in uu hawshaasi noo fududeeyo, taasina way dhacday dadka meesha u dhashayna way ka qaybqaateen waxii nala oo dhiibayna halkeedii ma gashay mise may galin iyo wax aanu ku darnayba taan doonayno in aanu imtixaankeeda ka gudubno taas weeeyaan dalkeenu maanta waxa uu u baahanyahay dhisid wadan oo kaliya maaha ee meelkasta in laga dhiso ayuuu baahanyahay sidoo hore loo sheegay wadadani in ay u furnaato si ku meel gaadh ah intaanu camuud dhamaynayo markaa waxaanu ka codsanaynaa ragii meesha mari jiray ee hore u diiday inay tabarucaac bixiyaan in ay maanta sidaa ay waddadu tahay nagaga islaamaan oo ay ku ilaaliyaan ayaanu doonaynyaa bishaa imaka dhamaatay ee aanu ku maqanahay Camuud waxaanu ku wareejinaynaa gaadiidka meesha mara waa in waddada imaka dhamaatay waa in gacanta lagu hayo".
















0 comments:
Post a Comment