NEWS

Monday, July 29, 2013

Madaxweynaha Somaliland Oo Khudbad Deer Ka Jeediyay Xaflad Uu U Sameeyay Qurbo-jooga Reer Somaliland Ee Dalka Joogta.

Xafladaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxa ka soo qeyb galay xubnaha Golaha Wasiirrada, Xildhibaanadda labada aqal iyo marti sharaf kala duwan........

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa xaflad balaadhan oo marti qaad ah ugu sameeyay Huteelka maansoor ee Magaaladda Hargeysa in ka badan 600 oo qof oo ka mid ah qurbo-joogta Somaliland ee xiligan ku sugan dalka. 


Xafladaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxa ka soo qeyb galay inta badan xubnaha Golaha Wasiirrada, Xildhibaanadda labada aqal ee Goleyaasha baarlamaanka iyo marti sharaf kala duwan. 

Xafladaasi oo si toos ah looga baahinayay TV-ga qaranka Somaliland oo laga daalacanayay gudo iyo dibadba, waxa lagu soo bandhigay waxqabadka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Sabtidii shalay sadex jirsatay, waxaanay Golaha Wasiirradu si qoto dheer uga war-bixiyeen waxqabadkii xukuumadda u hirgalay mudada sadexda sanadood ah. 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xafladaasi ka hadlay ayaa ka waramay kaalintii wax ku oolka ahayd ee ay jaaliyaddaha Somaliland ee ku dhaqan daafaha dunidu ay ka soo qaateen halgankii dib u xoraynta dalka, dib u dhiskii iyo nabadeyntii dalka. 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu qurbo jooga Somaliland ku booriyay inay dedaal u galaan sidii ay door muuqda uga qaadan lahaayeen halganka ay Somaliland ugu jirto inay madax-banaanideeda dhacsiiso beesha caalamka. 

“Qurba jooga Somaliland waa dad waxtar weyn ka soo qaatay dib u dhiska waddanka mustaqbalka dambena ay Umaddani wax badan ka sugayso. Halgankii aynu waddankan ku xoraynay door weynbay ka qaateen dadka Qurba jooga ah ee Reer Somaliland, haday dhinac Dhaqaale tahay, haday dunida oo ay qadiyadeena gaadhsiiyeen ay tahay iyo haday dhinac kasta tahay door weyn oo lama ilaawaan ah ayay ka soo qaateen, maantana dhismihiisa, haday tahay dhinaca tacliinta, haday tahay horumarintiisa, haday tahay waddooyinkiisa iyo haday tahay Caafimaadkiisaba, aad iyo aadna way ugu mahadsanyihiin” 

“Waa dad ay ku tiirsanyihiin dad badan oo dalka ku nooli, waxaanan Maanta ku kalsoonahay inay wax badan oo dib u dhiska waddanka ah doorkooda ka qaadan doonaan” ayuu sheegay Madaxweynuhu . 

Waxaani intaasi ku daray isagoo la dar-daarmaya qurbe-jooga “waxa kale oo aan ku kalsoonahay Maanta qurba-joogu meel-marinta qadiyada dalkeena iyo Ictiraaf raadinta inay kaalin mug leh ka qaadan karaan, waayo xidhiidhbay la leeyihiin Baarlamaanada waddamada ay joogaan, waanay ka tirsanyihiin qaramada ka jira, markaa hadii ay ka hawl-galaan Ictiraaf raadinta dalkeena waxay ka ciyaari kaaran door aad iyo aad u muhiim ah. 

markaa waxaan idinkula dar-daarmaaya ku dedaala, hawshaa xil iska saara, wakhti siiya, sidaad awalba u wadeen magac iyo sharafta weyn ee aad dalkiina u soo hoyseen, ee aad magaciisa meel walba uga rideen, waxaanan idiin rajeynaaya Guul, waanan idiinka mahad celinayaa”. 

Madaxweynuhu waxa uu intaasi ku daray inay xukuumadiisu u guntan tahay sidii ay wax uga qaban lahayd horumarinta dalka iyo iib-geynta qadiyadda Somaliland, waxaanu guud ahaan shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba ka dalbaday inay kala shaqeeyaan himilooyinka xukuumadda ee dhinacyadda horumarinta adeegyadda bulshadda iyo taabo-gelinta dhaqaalaha dalka. 

Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay xubno iskugu jiray rag iyo haween-ba oo madaxweynaha ku bogaadiyay martiqaadka iyo kulanka gaarka ah ee uu ku maamuusay, waxaanay balan qaadeen inay xukuumadooda kala shaqayn doonaan qadiyadda ictiraaf raadinta dalka iyo horumarinta dhaqan dhaqaaleba. 

Waxa kale oo xafladaasi oo muddo laba saacadood ka badan socotay ka hadlay Xubno ka mid ah golaha Wasiirrada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada, Arrimaha Gudaha, Arrimaha dibadda, Warfaafinta, deegaanka, Wasiirul dawlaha Maaliyadda iyo xubno kale waxaanay dhamaantood sheegeen in xukuumaddu hirgalisay qodobo badan oo ka mid ah balan-qaadyadii madaxweynuhu nidarka ku maray xiligii lagu jiray ololihii doorashadii madaxtooyadda ee dalka ka qabsoontay 26-kii Bishii June 2010-kii.

0 comments:

Post a Comment