Talaado, July 13, 2013 (GG) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Suudaan, isagoo u jeediyay khudbad uu kula dar-daarmay Jaaliyadda.
Xasan Sheekh ayaa waxaa ku wehliyey kulankan safiirka Somalia ee dalka Koonfurta Suudaan, Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (Diinaari), xildhibaanno Soomaaliyeed, la-taliyeyaal iyo mas’uuliyiin kale.
“Mar walba oo aan la kulmo madaxweynaha, Salva Kir waxuu ii sheegaa in jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggen Koofurta Suudaan ay yihiin jaaliyad ku dayasho mudan oo ay wax weyn kusoo kordhiyeen dalka. Ammaantaas waa mid aad u soo hoyseen dhammaan shacabka Soomaaliyeed, taasna amaan ayaad ku hesheen ee dadaalkaas sii wada. Waxaan ogahay inaad dalkan aad maal-gashi xoogan ku sameyseen
, waana inaad ahaataan mar walba kuwo si wadajir ah wax u qabsada,” ayuu madaxweynuhu ku yiri jaaliyaddii uu la kulmay.
, waana inaad ahaataan mar walba kuwo si wadajir ah wax u qabsada,” ayuu madaxweynuhu ku yiri jaaliyaddii uu la kulmay.
Isagoo sii hadlaya ayaa yiri: “Sharafkan iyo karaamadan aad u soo hoyseen shacabka Soomaaliyeed waxaa jiri kara in kooxaha Al-Shabaab ay idin soo dhex-galaan ee fadlan yaan qabiil iyo cabsi lagu difaacin ee hala iska qabto, hana loo gudbiyo hay’adaha ammaanka Koonfurta Sudan, waayo fikirkooda waa mid lid ku ah horumarka ay shacabka Soomaaliyeed ay gaareen.”
Sidoo kale, wuxuu sheegay madaxweynuhu inuu madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir uu kala hadli doonaa sidii ganacsigiinna loo xoojin lahaa iyo sidii safaaradda loo siin lahaa dhul ay xafiis ka dhigato.
Madaxweynaha Soomaaliy ayaa maanta ka qeybgeli doona munaasabad loogu dabbaal-dagyo sannadguuradii labaad ee kasoo wareegtay markii ay xorriyadeeda ka qaadatay dalka Suudaan
.
Kampala-(GG)- Afhayeenka Golaha Madaxbanaan ee Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne), ayaa sheegay in aan xukuumadu wali ka jawaabin dhaliilihii 16-ka qodob ahaa ee ay soo bandhigeen, waxaanu sheegay inay taas bedelkeed jid kale isku qaadeen.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wasiirkiisa daakhiliga Md. Cali Maxamed Warancade, ayaa si adag uga hadlay ku dhawaaqista golahan, waxaanay sheegeen inuu yahay sharci darro, iyagoo ku hanjabay inaanay sharciga ku tuman karin dad uu sheegay inay aflagaado la soo taaganyihiin. Hase yeeshe Afhayeenka golahaas Mujaahid Ibrahim-dhegoweyne, oo uu Geeska Afrika xalay weydiiyay sida uu u arko dhawaaqa ay Madaxweynaha iyo xukuumadiisu kaga dareen celiyeen golahooda, ayaa si kooban u yidhi ?Wixii aanu anagu ku dhaliilnay hal eray
kamay odhan ee wado kale ayay mareen, waxii waanu qabnaa ama ma qabno ha yidhaahdeen.?
kamay odhan ee wado kale ayay mareen, waxii waanu qabnaa ama ma qabno ha yidhaahdeen.?
Ibrahim-dhegaweyne, isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi ?16 qodab oo cad cad ayaanu halkaas u soo dhignay oo mid waliba faah faahintiisa uu leeyahay waanay ka jawaabi waayeen oo wado kale ayay jeexeen.?
Golahan wada tashiga iyo toosinta qaranka oo ay ku dhawaaqeen siyaasiyiin culusi, ayay bulshadu si weyn u faaqidaysaa tan iyo maalintii lagu dhawaaqay aasaaskiisa, waxaanu u muuqdaa gole ay isugu tageen siyaasiyiinta mucaaradka ku ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo ay ka mid yihiin Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Faysal Cali Waraabe, Xasan Ciise Jaamac, Ibrahim-dhegaweyne, Cali-Gurey, Ciise Curaagte, xildhibaan Saleban Cali Koore iyo xubno kale.
Farhan abdi aw isse
maneger of websit
gabiley somaliland
tell :4669570 som :9259341
office of gabiley
email:kaahin200@hotmail.com













0 comments:
Post a Comment