waxaad moodaa in mudooyinkii u danbeeyey oo la kowsadey wakhtigan ay xukuumada madaxweyne siilaanyo
Aalada facebook oo ah goob ay ka wada xidhiidhaan ama ay ku kulmaan bulashada caalamku. ayaa waxaa mudooyinkii u danbeeyey si aad ugu soo kordhayey bulshada baraneysa ama isticmaalaysa. gaar ahaan magaalada hargeisa.
Waxaynu ka warqabnaa in ay mamnuuc ka tahay goobaha shaqada. sida shirkadaha.xarumaha dawlada. iyo dhammanba goobaha ay shaqadu ka socoto in lagu isticmaalo facebookga iyo wixii lamida ee wakhtiga kaa luminayaba.
waxaa inta badan loogu talo galay in ay ka wada xidhiidhaan bulshada dhalin yarta u badan iyagoo wakhtiga iskaga lumiya isla markaana kaftan, haasaawe iyo charing ku wada qaata. waxaan la dareemi karin. wakhtiga iyo inta aad isticmaaleysay. isagoo wakhtiga u lumiya si aan la dareemi karin.
Hadaba waxaad moodaa in mudooyinkii u danbeeyey oo la kowsadey wakhtigan ay xukuumada madaxweyne siilaanyo talada la wareegtay in shaqaalahii dowladu ay runtii kaga mashquuleen shaqooyinkii ay bulshada u hayeen.
Gaar ahaan marka aad buuqato xarumaha dawlada waxaad arkeysaa shaqaale dhammaantood ku foorar computerka. isla markaana marka aad sii jaleecdo muraayada computerka waxaad arkaysaa in ay ku jiraan mashquul xad dhaafa oo ka mashquulsan maskaxda ilayn maskaxda ilayn qalbigu waa mide.
waxaan si aan wax badan uga xaqiijiyo maqaalkan kormeer ku tagey
dhamman xarumaha dawlada ha ugu badnaadaan wasaaraduhuye.
waxaan la kulmay dhalin runtii u badan gabdho iyo wiilal oo intooda badani ku mashquulsan facebookga oo kalidood qoslaaya.
Waxaa dhif iyo naadira inaad aragto qof gudanaya shaqadii loo xilsaaray.
Waxaa iigu layaab badneyd markii aan galay wakaalada biyaha ee magaalada hargeisa waxaa tuban oo is daba taagan dad tiradooda aan ku qiyaasay ilaa 23 qof haddaaney ka badneyn waxay dadkaasi doonayaan inay bixiyaan lacagtii biilka ahayd ee biyaha.
dadku waxaad dareemaysaa caajiska ka muuqda iyo saluuga ay ka qabaan habkii shaqo.
waxaa kuraasta ku fadhiya sadex hablood iyo wiil dhalin yar ah.
gabadh markaa aan is idhi waa xaasley ayaa iyadu inta badan wadey hawsha. balse shaqaalahii kale oo aan mid mid isu dul taagey waxay ku mashquulsanaayeen chating iyo qosol maqane jooga ah.
Haddaba waxaa nasiib darro ah in xarumihii dawlada ee ay ahayd in ay ku daydaan bulshada kale in ay shaqaale iyo maamulba kaga mashquuleen dantii bulshada soo igmatey facebook iyo khiyaali aan waxba soo kordhineyn.
Waxaana Nasiib darro ah in masuuliyiintii hawlahaasi khuseeyeen ay ka gaabiyaan oo laftoodu qayb ka ah.
waxaa jira in shirkadaha gaarka loo leeyahay aan loo ogolaan ama qofka lagu arko in uu shaqada gudaheeda ku isticmaalayo laga eryo.
Haddaba arintan ayaa dhabar jab ku ah horusocodkii iyo habsami u shaqayntii danta bulshada waxaaney ka dhigaysaa wasaaradahii iyo xarumahii dawlada kuwo qushi socod ah oo aan meelna gaadhi karin
Haddii aan laga hortagin ama aan wax laga qaban.












0 comments:
Post a Comment