NEWS

Wednesday, July 24, 2013

War Deg Deg Ah:Nin Lagu Dilay Xaafda Dunbulug Ee magaalda Hargeysa.


Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa ka hadlay dilkaasi........
Dilka ninkan ayaa waxaa gaystay laba nin oo walaalo aha ka dib markii uu muran dhex maray marxuunka iyo midkamida gacanku dhiiglayaashaa gacan ka hadal dbadeedna ay mindi la dhaceen marxuunka halkaana uu ku naf waayay. labadaa gacan ku dhiigle ayaa goobtaa ka baxsaday laakin mudo yar kadib ayay ciidanka bilaysku gacanta ku soo dhigeen danbiilayaashii.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal oo ka hadlayey dilka talaabadii ay qaadeen Ciidaanka boolisku, ayaa waxa uu yidhi “Maanta abaaro 2:00-duhurnimo Xaafada loo yaqaano AKTOOBER ama Ex-Libaaxyada waxa ka dhacay dil loo geystey Marxuum la odhan jirey Mahad Asad Cabdi oo da’adiisu ahayd 21-jir, marka hore waxaan ka tacsiyadeynayaa qoyskoodii oo waxaan leeyahay ILAAHAY samir iyo iimaan ha idinka siiyo.

Labadii nin ee geystey dilkaasi waa la qabtey,kadib markii Ciidanka boolisku hawlgal balaadhan sameeyeen ayey ku guuleysteen, waana ILAAHAY mahaddii mar haddii aanu gacanta ku soo dhignay labadii nin ee loo tuhunsan yahay inay geysteen dilkaasi, baadhitaankiina wuu ku socda labada nin”.Ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal.


Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal ayaa waxa uu fariin u direy dhalinyaro uu ku sheegay inay koox koox u dagaalamaan, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Dhalinyarada had iyo jeer u dagaalanta kooxaha ayaa waxaan halkan uga dirayaa fariin ah waa inay ka waantoobaan, ciddii ka waantoobi weydana waxay Ciidanka booliska Somaliland ka qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan”.

0 comments:

Post a Comment