NEWS

Thursday, August 8, 2013

Ceerigaabo oo Si wayn Looga Xusay Munaasibada Ciidul fidriga Oo ay Ka Qayb Galeen Wasiiro ka Tirsan Xukuumada + Sawiro

[GG}axaa maanta magaalada ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka sanaagba si wayn looga xusay u dabaal dega Munaasibada Ciidul fidriga, hadaba munaasibadii ciida iyo siday uga dhacday magaalada ceerigaabo waxaa warbixintan inooga soo diyaariyay Weriye Nuur ,

 

Ceerigaabo(HWN)waxaa maanta magaalada ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka sanaagba si wayn looga xusay u dabaal dega Munaasibada Ciidul fidriga, hadaba munaasibadii ciida iyo siday uga dhacday magaalada ceerigaabo waxaa warbixintan inooga soo diyaariyay Weriye Nuur ,
iyadoo beryahanba lagu gudo jiray gudashada camalada bisha barakaysan
ee ramadaan ayaa manta oo bishu tahay 1-dii shabcaan 1434 hijriyada
oo ah khamiis, loo dareeray muraasibada ciiddul fidriga oo si
balaadhan oo farxad iyo rayrayn ah looga ciiday dhamaan degmada gobolka sanaag
waxaana saaka arooryadii hore ay dad waynaha magaalada ceerigaabo u soo
baxeen soo tukashada salaada ciidda oo lagu tukaday gegada ciyaaraha
ee Dallo stadium iyadoo ay munaasibadan farxadeed ay ka soo wada qayb
galeen guud ahaan dadka ku dhaqan magalada ceerigaabo iyo nawaaxigeeda
waxaana markii salaada la tukaday halkaa ka hadlay qaar ka mid ah
culimo udiinka gobolka oo si wayn ugu nuux nuuxsaday khayrka iyo
fadliga ay leedahay bisha barakaysan ee ramadan
iyo maalintan ciiddu fidrigu.
waxaa sidoo kala isla madashaa ka hadlay mas?uuliyiin sar-sare oo ka
mida xukuumada somaliland oo
isugu jira wasiiro, iyo wasiiro dawliyaal oo soo gaadhay magaalada
cergaabo dabayaaqadii bishii Ramadan si ay dadka reer ceerigaabo ugula
ciidaan magalada ceerigaabo oo shacabka kula tukada garoonka ciidda
lagu gutay, hadalona ka jeediyeen, ugu horayna waxa hadalka furay
maayirka degmada
cergaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur iyo badhasaabka gobolka sanaag
kuna soo dhoweeyen wafdigan.
Waxana madashaa hadalo kooban ka soo jeediyey munaasibada wasiirka dhalinta iyo
ciyaaraha Jamhuuriyada somaliland mudane Mudane Cali Siciid Raygal isoo dad
waynaha u mahadnaqay kuna hambalyeeyey sida quruxda badan ee ay u
ciiddeen uguna duceeyey in dhamaan dadka muslimiinta meelkastay
joogaan ku gaadhaan sanadkan sanadkiisa bash-bash iyo barwaaqo,
waxa isna halkaas ka hadlay sidoo kale wasiirka Biyaha ee Jamhuuriyada S/L
mudane Xuseen Axmed Cabdulle, wasiiru dawlaha wasaarada maaliyada
mudane Cismaan Cabdullahi Saxardiid ( Cadaani ) oo isna u hambalyeeyey
shacab waynaha somaliland meelkastay ku suganyihiin
si kastaba ha ahaatee jawiga ciidul fidriga ee farxadeed ayaa si wayn
looga dareemayaa magalada ceerigaabo oo ay dadku si wayn ula riyaaqsan
yihiin uguna faraxsan yihiin munaasibada ciida maadama ay soo
dhamaysteen bishii ramadaan ee barakaysnayd

farhan abdi aw isse
Xafiiska Wararka GOBOLKA .TK
Ceerigaabo Somaliland

0 comments:

Post a Comment