Prof Xassan Cali Cismaan ayaa sheegay in socdaalkoodu salka ku hayo u kuur-gelidda qiimaynta iibka qalabka waddooyinka lagu dhiso.....
Wefti ka kooban Maareeyaha Wakaalladda Waddooyinka Somaliland Prof: Xasan Cali Cismaan , Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Mudane Aadan Cabdillahi Xassan Nugaal iyo Xoghayaha Wasiirka Madaxtooyadda Sharmaarke Axmed Muxumed ayaa soo gaadhay magaalo madaxda Gobolka Guangzhou ee dalka China. Weftigaas oo ujeedada socdaalkooda ay warbaahintu wax ka weydiisay Mareeyaha wakaalladda Wadooyinka Somaliland “RDA ”Prof Xassan Cali Cismaan ayaa sheegay in socdaalkoodu salka ku hayo u kuur-gelidda qiimaynta iibka qalabka waddooyinka lagu dhiso.
Meereeyuhu Waxa uu tilmaamay in ay xukuumadu doonayso inay dalkaasi ka soo iibsato agabka loo adeegsado samaynta waddooyinka, waxaanu xusay in horumarinta jidadku yihiin hal-bowlaha kaabeyaasha dhaqaalaha.
Gudoomiyaha Gudida qandaraasyada qaranka Mr Aadan Cabdilaahi Nugaal ayaa sheegay in socdaalkoodani uu yahay mid ahmiyad weyn u leh dalka, maadaama oo ay qiimaynayaan qalab xukuumadda Somaliland ka soo iibsanayso dalka China si ay waddooyinka u casriyeeyaan. Waxaanu sheegay inay qalabkaasi ku doonayaan qiime macquul ah oo ay awoodda dhaqaale ee dalku gaadhi karto.
Gudoomiyaha Gudida qandaraasyaddu waxa uu intaas ku daray inay hadda qiimayn iyo indho-indhayn ku sameynayaan shirkado kala duwan oo ay ka doonayaan qalabka ay u baahan yihiin.
Aadan Xasan Nugaal waxa kale oo uu sheegay inay mudada ay joogaan dalkaasi ay doonayaan inay abuuraan xidhiidho kala duwan oo lala sameeyo sharaa’ig gacan ka geysan kara horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, sida beeraha iyo dhaqaalaha.
Gudoomiyaha Gudida qandaraasyaddu waxa uu intaas raaciyay inay isbarbar-dhig ku samayn doonaan qiimeyaasha shirkaduhu u sheegaan ee la xidhiidha qiimaha qalabka ay u baahan yihiin. Waxaanu sheegay in socdaalo kale ku tagi doonaan waddammo kale.
Weftigan ayaa markii uu ka soo degay madaarka Gobolka Guangzhou lagu soo dhaweeyey si diiran oo meeqaam sare leh, waxaana madaarka ka qaaday Gawaadhida martidda loogu tallo-galay.















0 comments:
Post a Comment