NEWS

Tuesday, July 16, 2013

Ka qayb gaado isguulka laga dhisayo Geed-Balaadh


Sida aan qabo wax la is-taro oo la isku kaalmeeyo waxa uga mudani waa Wax-is-barista (Cilmiga)
Waxa laga hayaa Rasuulkeenii Maxamad (CSW) ; Shiinaha-na ha ahaatee meel kasta oo ay aqooni jirto u taga oo kasoo biirsada! Halkaa aan waliba in-yar ku sii ladhee dadka Shiinaha ah oo ka mid dadyowga ugu ilbaxsan Aduunkan aan ku dul noolnahay ayaa ku maah-maaha; Kaluun isa-siinta waxa ka wanaagsan Kaluumaysi is-barista". Xikmadaasina waa cadayn kale. 

Hadaba mar hadii ay xaajo sidaa tahay oo Aqoontu (Cilmigu) ay doorkaa lama-huraanka ah jiritaankeena ku leedahay, saw waajib ina-wada saaran ma aha inaynu ku mitidno sidaan wax badan uga kasban lahayn ee aynu waliba, kuwa aan awoodayn-na ugu kici lahayn een u garab gali lahayn? Jawaabtu Waa HAA. 

Arartaa kooban ka di; Baaqan oo ah mid dhaqaale loogu ururinayo Iskuul dhismihiisu Qabyo yahay oo laga wado Deg, Geed-balaadh (gobolka Gabilay) waxa loo dirayaa, guud ahaan dadka intii danaynaysa horu-marinta dadkeena iyo dalkeena, gaar ahaan-na inta ay arintani (baylahdaasi) sida gaarka ah ugu taalo ee waajibka goonida ah ee TOOSKA ahi ka sii saaran yahay degaankaa iyo dadkiisaba, * Raqba waa ku rageed!. 

Taariikhda Iskuulka Geed-balaadh; 

Dugsigii ugu horeeyay oo ka koobnaa Laba Fasal iyo Xafiis waxa Deg, Geedbalaadh loo dhisay sanadihii 1969/70. Dagaaladii iyo halgankii la galay 1980-dii oo ay Xudun u ahayd deg. Geed-balaadh ayaa sababay inay gabi-ahaanba magaaladii iyo hantiyihii kale ee guud-ba (iskuulkii iwm) shuf-beeleen oo la baabiiyo. Markii lagu soo noqday dalka J.Somaliland hadaba, waxa dib loo dhisay Dugsigii Geed-balaadh oo ka kooban laba Fasal iyo Xafiis. Ha-yeeshee tirada caruurta iskuulka soo galaysa oo si aan la qiyaasi karin u korodhaysa ayaa xamalkiisii uu qaadi waayay. Tiiyoo baahidaa hadaba laga jawaabayo ayaa sanadkii hore waxa suurtogalay in lagu daro Hal kalaas. Waxana dhismahiisa iska kaashaday tiro kooban oo Muwaadiniin ah oo kala degan Holland iyo Ingiriiska iyo waliba Ururka Samo-falka ah ee Alkhayriya (uk). Allah ha ka abaal mariyo dhamaantoode. 

Haatan iyo BAAQA cusub; 

Baahidii iskuulka oo wali taagan darteed, waxa lagu gudo-jiraa qabanqaabada dhismo kale oo ka kooban Laba Fasal iyo..... (kolba halka Itaalku dadka dhigo), sidaa darteed, waxa loo baahan yahay in arin iyo aduunba la isku keeno oo cid kasta oo wax ku darsanaysaa ay gacan ka gaysato. 

- Waxii xog ah ama faahfaahin ah ee ku saabsan arintin Iskuulka Geedbalaadh kala xidhiidh; 


Sida aan qabo wax la is-taro oo la isku kaalmeeyo waxa uga mudani waa Wax-is-barista (Cilmiga)

0 comments:

Post a Comment